FAAHFAAHIN:- Madaxii Al Shabaab Gobolka Jubada Hoose oo la dilay

0

Warar dheerad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay Weerar duqeyn ahaa oo Saraakiil iyo Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab lagula beegsaday Gobolka Jubada Hoose.

Weerarkaasi oo Diyaarado Dagaal ay ka fuliyeen Degaanka Buri oo qiyaas ahaan 90Km u jirta Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu Dilay Sarkaal iyo 5 kale oo ka mid ahaa Ilaaladiisa kuwaasi oo ka wada tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

Sarkaalka Weerarkaasi lagu Dilay ayaa lagu magacaabi jiray Bashiir Cabdi Jaamac oo ahaa Madaxii Al Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Jubada Hoose.

Hogaamiyahan ayaa sidoo kale lagu badalay booskii Hogaamiye Dulyadeen lagu Dilay Weerar duqeyn ahaa ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Diyaaradaha Weerarkan fuliyay ayaa la aaminsan yahay in laga leeyahay Dalka Mareykanka.

Ilaa iyo hada ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Xarakada Al Shabaab oo ku aadan Weerarka la sheegay in Hoogamiye iyo ilaaladiisa looga Dilay.