FAAHFAAHIN:- Sarkaal lagu dilay Magaalada Muqdisho

0

Sarkaalkan, ayaa waxaa uu ka tirsanaa Wasaaradda Cadaaladda Somaliya, iyadoo rag bistoolado ku hubeysan ay xalay ku dileen Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Maxamed Axmed Qoordheere, ayaa xilligii la dilaayay waxaa uu ka soo baxay Masaajid ku yaala xaafadda Cali Boolaay, oo Salaaddii Maqrib uu ku soo tukaday. Kooxihii Dilka geystay ayaa wadada u galay, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa.

Dadka deegaanka, ayaa waxay xaqiijiyen in laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa ay marxuumka ka toogteen qaarka sare, isla-markaana ay ka baxsadeen goobtii ay falka ka gaysteen.

Sheekh Cismaan Cumar oo ka mid ah ehelada marxuumka, ayaa isna xaqiijiyay in rag hubeysan ay Degmadaasi Waaberi ku dileen Sarkaalkaasi.

Sheekh Cismaan Cumar ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Maxamed Axmed Qoordheere uu hadda ku magacawnaa Xisaabiyaha Idman ee Wasaaradda Cadaaladda.

Dhanka kale Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Waaberi, Xuseen Maxamed Cabdi, ayaa sheegay in ay ku daba jooggaan ragii wax dilay, oo lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab.