Ganacsato Soomaaliyeed oo dhaawac iyo Dil loogu geystay Koonfur Afrika

0

Burcad madow ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa tuulada Matola ee hoostagta magaalada Johannesburg ku dilay Ganacsade Soomaaliyeed halka mid kale na ay dhaawac u geysteen.

Ganacsadaha dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Barqadle , halka midka dhaawacana lagu magacaabo Cabdi shakuur.

Mid ka mid ah ganacsatada magaalada Johannesburg ayaa Saxaafada u sheegay in burcadda ay ganacsatadaan ku weerartay goobtooda ganacsi oo ku yaalla tuulada Matola ee hoostimaada magaalada Johannesburg.