Haween lagu Maxkamadeynaayo Magaalada Mombaza

0

Booliska magaalada Mombaza ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay maxkamadeynaayaan haween lagu eedeeyay in ay wax ka abaabuleen weerar dhawaan lagu qaaday saldhiga ciidanka dowladda Kenya magaalada Mombaza ee dalka Kenya.

Saddex qof oo dumar oo la xariirinayo in ay wax ka ogaayeen haween weeraray magaalada Mombaza ayaa lagu maxkadeynaaya maxkamad ku taalla magaalada Mombaza ee dalka kenya.

Nasteho Ali Tahliil, Luul Ali Tahlil  iyo  Zam Zam Abdi, ayaa waxaa lagu eedeeyay in  ay saaxiibo ahaayeen haween dhawaan weerar khasaaro dhaliyay ku qaaday magaalada Mombaza ee dalka Kenya.

Haweenkaan ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu xiriir kala dhaxeeyay 3 haween ah  oo dhawaan ay toogteen ciidanka ammaanka dalka Kenya ka dib markii ay weerar ku qaadeen saldhig ciidanka dowladda Kenya ay ku leeyihiin magaalada Mombaza ee dalka Kenya.

Gudoomiyaha Magaalada Mombaza ayaa sheegay in 3 haweenka  ah ay isku fasal ahaan jireen haweenkii weerarka ka geystay magaalada Mombaza ee dalka Kenya.