ICC oo 9 sano oo xabsi ku xukuntay nin ka tirsan Islaamiyiinta Mali

0

Maxkamadda Dambiyada Adduunka ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa sagaal sano oo xabsi ah ku xukuntay Ahmed Alfaqi Al Mahdi oo lagu helay dembi ah in uu burburiyay goobo taarikhi ah.

Goobaha uu burburiyay ninkan ayaa ku yaalay dalka Mali, isagoo berigaasi ka tirsanaa kooxda Islaamiga ee Mali ka dagaalanta.

Wadaadkaan reer Maali ayaa qirtay inuu dagaalyahanno Islaami ah oo ka tirsan kooxda Ansaaru Diin uu ku amray in ay burburiyaan goobahani taariikhi ah.

Goobahan ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa goobo diimeed oo magac ku leh dalkaasi Maali, kuwaasi oo ku yaalay magaalada qaddiimiha ah ee Timbaktu intii u dhaxeysay sanaddadii 2012-kii iyo 2013-dii.

Dacwad oogaha Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC-da Fatou Bensouda ayaa sheegtay in maxkamadeynta ninkani ay tahay mid muhiimad weyn u lleh maxkamaddani.

Waa markii ugu horreysay oo maxkamaddani ay soo dacweyso ayna eedeyso qof burburiyay waxyaabaha taariikhiga ah.

Sidoo kale waa markii ugu horreysay oo qof maxkamaddan la soo taagay uu qirto dambigii loo haystay.

Intii ay socotay maxkamadeyntiisa ayaa Ahmad al-Faqi al-Mahdi waxa uu raalligelin u jeediyay dadka reer Mali.

Waxa uu dalbaday in la cafiyo, isaga oo ku doodaya in ay jahawareeriyeen dad aan quneyn.

Dacwad oogayaasha maxkamada ICC-da ayaa weydiistay maxkamadda in ay ku riddo ninkan 11 sano oo xarig ah.