Is Qab qabsi ka taagan Xubnaha Baarlamaanka ku matalaya Beesha Murusade & Xubintii Aqalka sare oo la siiyay..

0

Is qab qabsi xoogan ayaa lagu soo waramayaa in ay ka taagan tahay Xubnaha Aqalka Hoose uga soo aadaya Beesha Murusade, waxaana hada socda shirar kala gooni gooni ah ay Muqdisho ku leeyihiin Siyaasiyiinta iyo Odayaasha kasoo jeeda Jufooyinka Beesha Murusade.

Beesha Murusade ayaa Baarlamaanka ku leh 7-Xildhibaan, waxaana hada ugu soo darsamay hal kursi oo kamid ah xubnaha aqalka sare, waxaana dood adag ka taagan tahay sida ay beesha Murusade u qeyb san lahaayeen xubnaha aqalka hoose iyo sida laga yeelayo qoondada haweenka.

Beesha Murasade oo u kala baxda Sabti iyo Foor Culus ayaa horey todobada xildhibaan waxa ay u kala qeyb sadeen 3 iyo 4, Beesha Sabti ayaaana heesatay afar xildhibaan halka Foor Culus heesatay 3-Xildhibaan.

Is qab qabsiga cusub ayaa dhashay kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug cadeeyeen in xubinta aqalka sare uga soo aadeysa Beesha Murusade la siiyay Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) oo kasoo jeeda Beesha Ayaan Same Sabti.

Beesha Murusade ayaa horey ugu heshiisay in Xubinta Aqalka sare la siiyo Beesha Foor Culus gaar ahaan beesha Habar Ceyno si awood qeybsiga u sinaado ayna labada dhinac Sabti iyo Foor Culus u kala qaataan min afar xubood .

Waxaa hada muranka xoogiisa ka taaganyahay Beesha Sabti oo dooneysa in ay qaadato Shan Xubnood halka Beesha Foor Culus iyana kasoo horjeedo in ay qaadato 3-Xubnood, waxaa sidoo kale xaalada sii adkeesay cida laga soo celinayo xubinta dheeriga ku ah Beesha Sabti.

Jufada Abakar oo ku abtirsata Sabti ayaa horey u heestay labo Xildhibaan halka Jufooyinka kale ee Cabdalle iyo Ayaan same iyana u heesteen min xubin, Jufada Ayaan same ayaa dadaal ugu jirtaa in ay mar kale hesho xubinta aqalka Hoose kuna darsato xubinta aqalka sare , waxa ayna taa badalkeeda gadaal ka riixayaan in hal xubin laga soo celiyo Beesha Abakar lana siiyo Foor Culus, taa oo ay ka taagan tahay dood iyo khilaaf adag.

Abakar Sabti Odayaashooda iyo Siyaasiyiintooda ayaa ku doodaya in Kursiga aqalka sare ay siiyeen Sabti gaar ahaan Habar Ceyno ayna qalad tahay in iyaga lagu soo laabto hadii kursigaasi Beesha Habar Ceyno cid kale ka qaadatay.

Arintan ayaa wali ah mid la isku heesto khilaaf xoogana uu ka taagan yahay, walina ma jiro wax xal ah oo laga gaaray sida loo qeybsanayo Xunaha Baarlamaanka uga soo aadaya Beesha Murusade, waxaana jufo walbo ay si hoose u wadaa dagaal siyaasadeed.

Dhamaan Beelaha Soomaaliyeed ayaa waxaa dhaxdooda ka taagan khilaaf xoogan oo ka dhashay sida ay u qeyb sanayaan Kuraasta labada aqal uga soo aadeysa iyo sida beelaha u kala qaadayaan Qoondada Haweenka kaga soo aadeysa .