Maamulka Galmudug oo beeniyay in Al Shabaab ay joogaan Duleedka Magaalada Gaalkacyo

0

Maamul Goboleedka Galmudug ayaa beeniyay in Xubno ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab ay fariisimo ku leeyihiin Duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Korneel Xasan Faarax Kaarshe oo ah Taliyaha Ciidamada Maamulka Galmudug ee Gobolka Mudug oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa shaaca ka qaaday in Al Shabaab aysan wax fariin ah ku leeyihiin Duleedka Xarunta Gaalkacyo.

Korneel Kaarshe ayaa waxuu sidoo kale tilmaamay in Diyaaradaha Mareykanka ay duqeymo xoogan la dhaceen Ciidamo ka tirsanaaa kuwa Maamulka Galmudug.

Waxuu intaasi ku daray Korneelka in Askartii halkaasi ku geeriyootay ay ku jireen Ciidamo ilaalo u ahaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Hadalka Korneelka ayaa waxuu imaanayaa maalin un kadib markii Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay ku baaqeen in Dowladda Mareykanka ay sharaxaad ka bixiso Weerarkii ka dhacay Duleedka Magaalada Gaalkacyo.