Maamulka Gobolka Mudug Ee Galmudug Oo Ku Baaqay Bixinta Mushaaraadka Ciidamada Gobolkaasi

0

Maamulka gobolka Mudug ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee gobolkaasi iyo howlgallo ciidamada ammaanka Galmudug ay ka wadaan degaanno ka tirsan gobolka.

Guddoomiye xigeenka siyaasadda iyo ammaanka gobolka Mudug Cabdi Sheekh Xuseen ayaa u sheegay Warbaahinta in gobolka ay ka socdaan howlgallo ay ugu talagaleen in lagu xaqiijiyo ammaanka.

Wuxuu sheegay in degaanno ka tirsan gobolka Mudug ay ciidanka ammaanka ka wadaan howlgallada islamarkaana loo diyaargaroobayo sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka.

Dhanka kale, guddoomiye xigeenka ayaa ka hadlay shaqaaqo yar oo shalay ka dhacday degmada Bandiiradleey ee gobolka Mudug halkaasoo labo qof ay ku dhaawacantay.

Wuxuu sheegay in dhowr jeer ay maamulka Galmudug hoggaankiisa kala hadleen sidii ciidamada Galmudug ee ku sugan gobolka Mudug ay ku heli lahaayeen mushaaraadka ay xaqa u leeyihiin.

Waxa uu tilmaamay in wasaaradda ammaanka ee Galmudug uu ugu baaqayo in ay bixiso mushaaraadka ciidamada Galmudug oo inta badan aysan helin xuquuqdii ay ku lahaayeen maamulka.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in maamulka uu ka ballanqaaday siiba madaxweynaha in la xaliyo cabashada ka soo yeereysa ciidamada islamarkaana ay rajaynayaan in ciidamadu ay helaan xuquuqdooda.