Madaxweynaha Gaboon oo la Caleemo saarayo

0

Madaxtooyada Dalka Gaboon ayaa shaacisay in maanta si rasmi ah loo caleema saari doono Madaxweynaha dalkaasi, Mr. Ali Bongo kadib markii uu ku guulaystay doorashooyinkii ka dhacay Dalkaasi, 27-kii bishii Augusto ee la soo dhaafay.

Bayaan kasoo baxay Madaxyootada Dalka Gaboon, islamarkaana uu baahiyay telefishinka Wadankaasi ayaa galabnimadii shalay lagu sheegay in Xafladda caleema saarka lagu qaban doono aqalka Madaxtooyada oo ku yaalla Caasimada Gabon ee Liberville, balse Bayaanka Madaxtooyada ayaan wax faahfaahin dheeri ah ka bixinin wufuudda ka qeybgalaysa Xafladdda Caleema saarka.

Goor waqti dambe ah habeenimadii jimcaha aynu ka soo gudubnay ayay Maxkamadda Dastuuriga Dalka Gaboon ku taageertay go’aan kasoo baxay Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo ku aadanaa guushii uu soo hooyay Madaxweyneaha oo markii labaad ku guulaystay Madaxtinimada Dalkaasi

Waxaa xusid mudan in Mr Ali Bongo uu talada Dalka Gaboon la wareegay sanadkii 2009-kii kadib markii uu helay 50,6 % codadkii la tiriyey halka Madaxeynihii hore ee ururka Midowga afrika oo isagu la tartamayey Mr. Jean Ping uu helay 47,24% waana markii labaad uu ku guuleysanayo Mr Bongo doorashada Dalkaasi, isagoo talada sii hayn doona toddobada sano ee soo socota.