Madaxweynaha Masar oo Warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Cusub ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha dowladda Masar ayaa warqadaha qoonsiga ka gudoomay safiirka ay dowladda Soomaaliya u magacowday in uu noqdo safiirka dowladda Soomaaliya u qaabilsanaan doono Jamhuuriyadada Masar.

Cabdiqani Maxamed Waceys ayaa warqadaha Aqoonsiga waxaa ka gudoomay madaxweynaha dowladda Masar Cabdulfitax ACC Waxaana uu sheegay in uu xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo sidoo kale Masar uu sare u qaadi doono.

Madaxweynaha Masar oo hadlay ayaa sheegay in dowladda Masar ay garab taagan dowladda Soomaaliya , islamarkaana safiirka looga baahan yahay in uu sare u qaado xirriirka iyo calaaqaadka ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne ayaa sheegay in Soomaaliya iyo sidoo kale Masar ay ka dhaxeyso taariikh dheer oo soo jireen ah , islamarkaana dowladda Masar ay dhinacyo badan ka caawiso dowladda Soomaaliya.

Safiirka dowladda Soomaaliya u qaabilsanaan doono dalka Masar Mudane Cabdiqani Maxamed Waceys oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii uu u sii jiri lahaa xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal , waxaana uu dowladda Masar uga mahadceliyay taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.