Magaca iyo Astaan Calanka Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo la codsaday in la soo gudbiyo iyo Muran ka taagan

0

Iyadoo magaalada Jowhar ka socoto wajiga labaad ee dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay maanta soo saartay in shacabka Soomaaliyeed u soo gudbiyaan magaca iyo astaan calameedka uu yeelanayo maamulka.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay muhiimada astaanta iyo magaca uu yeelanayo Maamulka labada Gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed ka codsaneysaa inay u soo gudbiyaan Magaca iyo Astaan Calameedka idin kula haboon in ay yeelato dowlad goboleedka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe”ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Sidoo kale wasaarada ayaa sheegtay in dadka soo gudbinaya magaca iyo astaanta calanka maamulka labada gobol ay ku soo diraan Ciwaanada kala ah ( info@moifa.gov.so  ama www.moifa.gov.so ).

Dhowaan ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar lagu soo bandhigo Xildhibaan maamulka labada gobol, iyadoo la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.