MAQAAL:- Duqeynta GAALKACYO waa dagaal gudban!

0

Gaalkacyo in ay magaalo dagaal tahay iyo xasarad ugub ma ahan. Weerer iyo rogaalcelin col u joog ah in ay tahayna la ma mooga. In ay labo qabiil, labo maamul iyo labo deegaan u qaybsan tahay sidoo kale.
Intaa iyo in ku hoos laaban ee darxumo, daris nacayb, dirir aan dhammaan iyo dagaal joogta ah waa laga wada dharagsan yahay.

Balse, midda udubka ah iyo dhacdada cusubi waa in diyaarado dagaal shisheeye iyo duqaymo la is ku adeegsado, walibana lagu faano ALSHABAAB ayaa la duqeeyey!

Ugu horrayn, ALSHABAAB uusan ahayn Cali Xaaji Warsame qof ah ma jiro! Cali Xaaji Warsame wuxuu aad wax uga huriyaa dagaallada Gaalkacyo ka dhacay dhawaanahan dambe.

Tan xigta, ALSHABAAB saw eedda ugu weyn, ee hadda lagu haystaa ma ahan, waa koox nabad diid ah? Ka warra ma maamulka nabad diidka, ee inta maamul la daris ah, ciidamo shisheeyey ku soo hoggaanshay ku tookhay ALSHABAAB ayaan dilnay?!

Tan saddaxaad, dagaalkii u dambeeyey ee Gaalkacyo ka dhacay, waxaa weerarka saddax kol soo qaaday dhanka Puntland, balse, saddaxda marba waa ku jabeen, heer markii dambe ay aqbaleen, in ay la fariistaan Cabdikariin Guuleed madaxa maamulka Galmudug, oo ay is inkirsiinayeen maamul iyo magacba!

Heshiiskii maalintaa la gaaray, wax ka dhaqangalay ma jirin, aan ka ahayn shaaha la wada cabay iyo fadhiyada waaweyn, sida uu waraysi dhawaan ku baxshay Guuleed, oo sheegay, in Puntland diiddan yihiin in ay horfariistaan si looga wada hadlo wixii dhacay, loogana heshiiyo!

Tan afraad, aawaye, qolyihii marka AMISOM qarax la la eegto cambaaraynta iyo meelaha la is taagi jiray tacsida gurracan, maxaysan uga hadal, ciidan u taagan difaac deegaan, ee aan cidna weerar ku ahayn, ee is la ALSHABAAB ka difaacaya marka si waxashnimo ah inta loo duqeeyey, haddana, ciidamo efenteri ah loogu daray, ee la yiri Alshabaab ayaan duqeynnay?.

Fuleynimadu waxay tahay, in ay naftooda ku kalsoonaa waayeen, ka sokow, ay ku kalsoonaa waayeen diyaaradaha duqeynayey, ee labo cabdibile, oo ay saarraayeen ugu badnaan 15 askari ay ku soo weerareen diyaarado iyo shan gaari dagaal ka badan!

SNA markii ay Maraynkan la dagaalaysay xitaa intaa u ma adeegsan, oo waliba dagaal qaraar uu dhexmaray!

Nimankii maalmo dhaweed lahaa, waxaan leenahay deegaannada; Matabaan, Guri Ceel, Hobyo, Xarar Dheere illaa Ceel Buur, in ay tan oo kale iyo mid ka xun soo wadaan way muuqatay, ee miyeysan habboonay, in meel looga soo wada jeesto?.

Tan shanaad, gobollada dhexe, sida ALSHABAAB looga la dagaalay ma jirto gobollada dalka meel looga la dagaalay, oo Gaalkacyo waxay ka mid tahay magaalooyinka aanba raadkooda lagu arag, marka laga reebo hal dhuumaalaysi iyo ku jooga baxsadnimo, ee haddii run la sheegaa, oo ay dhab ka tahay dagaalka ay ALSHABAAB ku la jiraan, maa duqeeyaan GALGALO, oo aan hubno in ay hoy u tahay ALSHABAAB? Sidoo kale, maa duqeynta la la abbaarto Xarar Dheere iyo dhulka deexda ah, ee ay ALSHABAAB ka taliyaan haddii run la rabo?!

Tan u dambaysa, madaxda Galmudug, dawladda federalka iyo waxgaradka xigtada askartii geeriyootay waxaan dhihi lahaa, ha ka harinnina gumaadka loo gaystay ciidankaa, illaa laga ogaado xogta runta ah iyo xaqiiqda jirta.

W/Q: Bashiir M Xersi