Mareykanka oo ka digay Qorshe Halis ah oo ay Kooxda Daacish waddo

0

Wasaradda Difaaca dalka Mareykanka Bentegon ayaa ka digtay in koox khilaafada islaamka ay qorsheenayan inay hubka kiimikada u adeegsadaan duulaanka ay ciidanka qaranka Iraq doonayan inay ku qabsadaan magaalada Mowsil.

Talaadadii tagtay ayay ahayd markii ay Saraakiil Mareykan ah ay sheegen in kooxda ay gantaal Kimiko ah ay kusoo riday saldhigooda dalka Iraq.

Mowsil waa magaalada labaad ee ugu weyn dalka Iraq waxana gacanta ku haysa tan iyo 2014-kii kooxda IS.
Ciidamada Iraq ayaa u diyaar garoobaya sidii ay magaalada gacantooda dib ugu soo celin lahaayen.