Maxaa looga hadlay shirkii golaha wasiirada Puntland?

0

Shirka golaha wasiirada Puntland-Soomaaliya oo uu shir gudoominayey madaxweyne Cabdweli Maxamad Cali Gaas ayaa looga hadlay  arrmaha ammaanka, soo xulidda baarlamaanka cusub, ansixinta xeerka cadaaladda carruurta iyo warbixino.

Xaaladda ammaanka

Golaha wasiirada Puntland waxay shirkooda uga hadleen xaaladda amniga guud ee Puntland waqtigaan xasaasiga ah ee Soomaaliya galeyso doorashooyinka dadban, isla markaana goluhu waxa uu caddeeyey in laamaha ammaanka ay il gaar ah ku hayaan dhaq-dhaqaaq walba oo ka dhan ah amniga.

Soo xulidda aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaliya.

Golaha wasiirada Puntland ayaa sidoo kale dood dheer ka yeeshay xubnaha u matelaya Puntland ee aqalka hoose ee baarlamaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya , isla markaana goluhu wuxuu si cad u sheegay in kuwii shacabka Puntland horey ugu geystay hagardaamo iyo lugooyada aanay suurta gal ahayn in ay markale metelaan shacabka Puntland.

Sidoo kale waxa uu golu tilmaamay u sinnana doonin kuwii shalay ku shaqeenayey lug gooyada Puntland iyo kuwii ka shaqeenayey midnimada iyo hormarka Puntland.

Golaha wasiirada Puntland ayaa baaq u diray isimada iyo ergada ka qeyb galeysa doorashooyinka dadban ee Puntland in ay u  soo xulaan shacabka Puntland xildhibaano lagu aamni karo masiirka guud ahaan umadda Soomaaliya iyo gaar ahaan shacabka Puntland.

Ansixinta xeer cadaaladda carruurta.

Golaha wasiirada Puntland waxa ay ansixiyeen xeerka cadaaladda carruurta, xeerkan ayaa qeexaya in aan da’yarta loo geysan karin dhib ama lagu xadgudbi karin xuquuqdooda, isla markaana aan si xun loola dhaqmi karin, sidoo kale waxa uu xeerku ka qeyb qaadanayaa ku toosinta ilmaha dhaqanka wanaagsan ee islaaamka.

Ugu dambeen golha waxa ay warbixin ka dhegeysteen wasaarada arrimaha gudaha iyo degmooyinka Xarfo, Burtinle, Garowe, Qardho,Waaciye iyo Carmo oo golaha horkeenay waxa ay ka qabteen arrimaha canshuurta.