Maxay tahay Sababta C/qaadir Muumin loogu daray Liiska argagixisada ?

0

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka Liiska argagixisada ee sida gaarka ah loo callaameeyay ku dartay Wadaadka lagu magacaabo Sheekh C/qaadir Muumin oo dhowaan ku biiray Ururka Daacish.

Amarka Madaxweyne Obama ee tirsigiisu yahay 13224 ayaa dhigaya cunqabateyn lagu soo rogi karo shaqsiyaadka iyo kooxaha la go’aamiyay inay halis ku yihiin Mareykanka.

C/qaadir Muumin ayaa madax u ah Koox dagaalyahano Soomaali ah oo bishii October ee sanadkii 2015 ku dhawaaqay inay ku biireen Daacish, kadib markii ay ka baxeen Al-Shabaab.

Waxaa uu horay ugh mid ahaa Saraakiisha Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanada Puntland, waxaana uu ahaa Daaci jeediya khudbadaha lagu soo jiidanayo dhalinyarada, isagoo cambaareyn jiray nidaamka Puntland.

C/qaadir Muumin ayaa lagu eedeeyay inuu ballaariyay unugiisa argagixiso isaga oo afduubtay wiilal da’yar oo da’dooda u dhaxeysa 10-15 sano jir, kuna qasbay inay ciidamo noqdaan.

Mareykanka ayaa horay liiska argagixisada ugu daray xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo madaxooda uu dul saaray lacag mallaayiin dollar.