Maxkamadda Sare ee Somaliland oo go’aan kama dambeys ka gaartay Khilaafkii Xisbiga UCID

0

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa maanta go’aan kama dambeys ah ka gaartay khilaafkii mudada dheer soo jiitamayay, kaasoo u dhaxeeyay Xisbiga Mucaaradka ee UCID.

Xisbiga UCID ayaa labo kala garab u kala jabay, kaddib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Feysal Cali Waraabe iyo Musharaxa Xisbiga Jamaal Cali Xuseen, kuwaasoo isku qabsaday Musharaxnimada xilka Madaxweynaha.

Maxkamadda ayaa soo saartay afar qodob oo lagu xalinayo khilaafka labada garab, iyadoo loo marayo xeerarka Xisbiga u degsan.

Qodobada Maxkamadda soo saartay ayaa ka mid ahaa in muddo 60 cisho gudahood uu Xisbiga UCID qabto shirweyne aan caadi aheyn, iyadoo ergada shirweynaha ka qeyb galaya loo raacayo xeerka Xisbiga labada garab isla gaareen sanadkii 2012.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa go’aan ka gaartay in guddiga qaban qaabada shirweynaha oo ka kooban 10 xubnood ay labada dhinac kala qeyb qaadanayaan, isla markaana uu marjacooda noqonayo hoggaanka sare ee Xisbiga.

Maxkamadda ayaa cadeysay in heshiiska ay wada galeen Eng. Feysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen uu dhaqan galayo marka uu qabsoomo shirweynaha Xisbiga.

Waxaa kaloo Maxkamaddu ay burisay go;aanadii Guddiga Ururada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka.

Go’aanka Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa waxaa soo dhoweeyay Labada garab ee Xisbiga, waxaana la filayaa in labada dhinac isku soo dhowaadaan.