Nabadoon Xaad: ” India maaha dhalinyaradeenna xittaa haddii ay dambi leeyihiin in iyado Maxkamadeyso”

0

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka xun yihiin Dhalinyaro Soomaaliyeed oo dhawaan India ay ku Maxkamadeysay dalkeeda xukunno adagna ay ku riday.

Waxaana Nabad Xaad uu hoosta ka xariiqay in arrin qalad ah ay ahayd in India ay Maxkamadeyso dhalinyaradaas isagoo carabka ku adkeeyay in xittaa haddii ay dambi leeyihiin dhalinyaradaasi ay haboontahay in loo soo Masaafuriyo dalkooda Hooyo, halkaana Cadaaladda lagula tiigsado.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa ugu baaqay dowladda India in si Shuruud la’aan ah ay ku soo deyso Dhalinyaradaas Soomaaliyeed Dowladda India.

Maxkamadda ku taalla India ayaa dhawaan Dhalinyaro Soomaaliyeed ku kala riday Xukunno kala duwan oo isugu jira Dilal Toogasho iyo kuwa kale oo Xukunno xariga ah.