Nin Shan qof ku dilay Mareykanka oo la Maxkamadeynayo

0

Wiil asal ahaan ka soo jeeda Turkiga  oo lagu eedaynayo inuu Suuq laga dukaamaysto ku dilay 5 Qof ayaa maanta la horkeenay Maxkamad ku taal dalka Mareykanka.

Wiilkan Eedaysanaha ah oo 20 jir ah, ayaa qirtay inuu Rasaas ku furay Suuq ku yaal magaalada Washinton isla markaana ku dilay 5 qof.

Qoyska Wiilka dhalay ayaa u sheegay  Maxkamadda in wiilkooda  ay ku ogayeen in maskaxda loogu jiro , Booliska Washinton ayaa iyaguna sheegayin dilkaasi uu geystay Wiilka uusan  la xiriirin fal  Argagixisnimo  ah.

Boliska Washinton ayaa sidoo kale cadeeyay  in 5 ta qof ee rasaastaasi ku geeriyootay ay ku jireen Haweenay iyo Gabadheda.