Qoys Soomaali oo loo hanjabay oo cabsi darteeda uga soo cararayo dalka Sweden

0

Maxamed Dame oo 20-sanno ka hor tegay dalka Sweden ayaa garwaaqsaday inuu dib ugu soo laabto dalkiisa Hooyo ee Somalia, kadib, markii uu la kulmay cabsi daran.

Maxamed Dame iyo qoyskiisa waxay ku jiraan baqdin-carar kaga timid kooxo Gangestaro ah oo haatan ka hawlgala gudaha iyo daafaha magaalladda Gothenburg.

Isagoo ku sugan goob qarsoodi ah ayuu u sheegay Warbaahinta NRK ee dalka Norway inuu rumeysan yahay inaysan Sweden muddo dheer sii ahaan doonin meel ammaan ah.
“Waa sidii Aag Dagaal. Garan mayno qofka la toogan doono. Xabbaduhu meel kasta ayey ku dhici karaan” ayuu yiri oo la hadlay Warbaahinta NRK ee dalka Norway.

Waxa uu Wareysigiisa ku sheegay inay qeybo ka midd ah dalka Sweden noqon doonaan Deegano Dagaal oo uusan Sharci ka jirin.

Isagoo 6 jir ah ayuu yimid dalka Sweden, wuxuuna ka mid noqday xubnaha Rayidka Boliska ee magaalladda Gothernburg, waxa uu hanjabaadyo ka helay Kooxaha Dembiilyaasha oo ku eedeynaayo inuu isagu Warbixintooda u gudbiyo Boliska dalkaasi.

Dhinaca kale, Maxamed Dame ayaa tilmaamay inay isaga iyo Qoyskiisa ka go’an tahay “Waa sidii Aag Dagaal. Garan mayno qofka la toogan doono. Xabbaduhu meel kasta

inay dib ugu soo laabtaan Somalia oo uu tilmaamay inay haatan ka ammaan fiican tahay dalka Sweden ee horey u siisay Magangelyadda.