Ra’isal Wasaaraha oo kormeeray Deegaanada Carmo iyo waaciye

0

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo xubno kale oo ka socday Maamulka Puntland ayaa maanta la kulmay Hogaamiyeyaasha qeybaha bulshada ee ku dhaqan Deegaanka Carmo oo ka tirsan Maamulka Puntland.

Ra’isal Wasaaraha iyo xubnihii kale ee la socday oo kormeerkoodu la xiriiray u kuurgalida xaaladda nabadgelyo tan nolol ee halkaasi, waxaa Deegaankaasi ku soo dhoweeyay Hogaamiyeyaasha bulshada oo ka warbixiyay horumarka ay ku tallaabsadeen iyo caqabadaha jira.

Mudane Cumar C/rashiid oo maalmahaan booqashooyin ku maraya Deegaanno ka tirsan maamulka Puntlad,waxa uu saakay soo maray Deegaanka Waaciye oo la xaqiijiyay in ay ka jiraan biyo la’aan baahsan .

R/wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake waxa uu amar ku bixiyay in dadka ku dhaqan Deegaanka Waaciye loo sameeyo biyo dhaamin, isagoo si gaar ah u dalbaday in 20-Gaari oo ah kuwa biyo dhaaminta ay bilaabaan howlo biyo dhaamin ah