Sacuudi Carabiya oo dhimaysa mishaarka shaqaalaha dowladda

0

Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday inay dhimayso mishaarka iyo gunada ay qaataan shaqaalaha dowladda.

Waxaa lagu sheegay tallaabo aad u wayn oo lagu yaraynayo miisaaniyadda ka dib markii Sucuudiga ay sameyn ku yeelatay sicirka shidaalka oo hoos u dhacay.

Tallaabadan ayaa yarayn doonta mishaarka wasiirada dowladda labaatan boqolkiiba, waxaana la yareeyay wakhtiga dheeraadka ee la shaqeeyo, fasaxa iyo gunada kale ee ay helaan saqaalaha dowladda.

Waa markii ugu horreysay ee mishaarka laga dhimo shaqaalaha dowladda, oo u dhigma laba meelood saddex shaqaalaha Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa sheegay in boqol bilyan oo dollar ay ka dhinaatay miisaaniyada sanadkii hore, taasoo keentay dowladda inay raadiso hab cusub oo dowlad ay ku hesho dakhli.