SAWIRRO:- Mas'uuliyiinta Jubbaland Oo Magaalada Baled Xaawo Kusoo Bandhigay Gaari Iyo…

0

Masuuliyiin ka tirsan Jubaland ayaa magaalada Baled xaawo ee gobolka Gedo kusoo bandhigay gaari nooca Suzuki-ga loo yaqaano oo ay dhawaan gacanta kusoo dhigeen ciidamada ammaanka degmada Baladxaawo, gaariga oo la sheegay in ay saarnaayeen Maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab islamarkaana ay wateen hub iyo walxaha qarxa.

Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha Jubaland mudane C/raxmaan Max’ed Xuseen oo warbaahinta kula hadlay goobtii lagu soo bandhigay gaariga ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen gaarigan, isagoo sheegay in ay gaariga wateen Maleeyshiyaad ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab.

Waxa uu goobta kusoo bandhigay Baastoolado, Qoryo nooca Ak47-ka ah, Bambaanooyin iyo walxo kale oo uu sheegay in ay qaraxyada u isticmaalaan.

Waxa uu yiri “Ujeedadoodu waxay ahayd in ay bulshada dhibaateeyaan, balse ciidamada geesiyaasha ayaa ka hortagay, waxyaabaha kale ee gaariga saarnaa waxaa kamid ah Xargo iyo Mindiyo aan filayo in ay u isticmaalaan xasuuqa shacabka.”

Wasiir kuxigeenka ayaa goobta abaalmarinno lacageed ku gudoonsiiyay ciidamadii fuliyay howlgalkii lagu soo qabtay gaariga, isagoo kubooriyay ciidamada kale ee ku sugan degmooyinka gobolka Gedo in ay foojignaadaan, islarmarkaana ay abaalmarinno qaali ah heli doonaan hadii ay ka hortagaan falal noocan oo kale ah.

balad balad1 balad2 balad3 balad4 balad5 balad6 balad7

Waxii Kasoo Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media