SAWIRRO:- MUSHARAX SHARIIF SHEEKH AXMED RAALIGALIN HAKA BIXIYO DHACDADAN SAWIRADOODA AAN ARAGNO IYO DIGNIIN KU SOCOTA MUSHARIXIINTA KALE.

0

Waxaan uga digeynaa dhamaan Musharixiinta u tartamaya xilalka kala duwan inaysan shacabka masaakiinta ah ee dhiban u gafin xuquuqda asaasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin, waa inay ogaadaan in dadkani ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, dadkana ugu sharaf badan yihiin.

Umma dulqaadanayno in Musharixiinta doonaya xilalka kala gadisan ay meel uga dhacaan karaamada Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyagoo uga faaiideysanaya baahida ay qabaan.

Waa wax laga caroodo in Musharixiinta ay dadka sida aadka ah u dhiban ama tabarta yar ee Soomaaliyeed inta isku soo sawirraan haddana in ay sharaftooda Insaannimo iyo Soomaalinimaba meel uga dhacaan oo lagu yiraahdo dhulka fadhiista annagana kuraas baan ku fadhiisanaynaa, XATAA MALOO QUURI WAAYAY SALI AMA SAJAAYAD AY KU FADHIISTAAN, ILEEN WAA MUWAADINIIN SOOMAALIYEEDE?

jiis

Sidatan idiin muuqata maku jirtaa asluubta suuban ee diinteena Islaamka, dhaqanka Soomaalida ee soo jireenka ah iyo dhaqamada kala gadisan ee dadyowga caalamka?

Dhinaca kale Waa iga su’aale, Madaxweyne ma noqon karaa mase u qalmaa shaqsiga sidaan dadkiisa ulla dhaqmaya ama u fakaraya ee garan waayay inuu si gobanimo leh u sooro dhibanayaasha gurigiisa ugu yimid? cadaaladse malaga sugayaa musharaxa kursi ay ku fadhiistaan u quuri waayay dhibanayaasha soo booqday ee ah curyaamiin (NAAFO)? SOOMAALIYEEY ALLOOW YAA RUN SHEEGA OO ISKA DAAYA INUU SHEEGO WAXA UU JECEL YAHAY OO KALIYA DALKA IYO DADKA HALOO TURO

jiis2

Gabagabdi Musharax Sheekh Shariif Sheekh Axmed Waa inaad si deg deg ah raaligalin buuxda nooga siisaa dhacdadan haddaan nahay shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena waa in aad dhamaan muwadiniinta Soomaaliyeed ee sawirradan ka muuqda ee aad u gaftay xuquuqdooda iyo sharaftooda Soomaalinimo aad raaligalin gaar ah siisaa.

jiis1

Wabilaahi Tawfiiq

Maamulka Allgalgaduud Media