TOOS U DHAGEYSO:- Ciidamada dowlada oo Rasaas ku furay Dadkii banaanbax ka dhigayay Muqdisho

0

Sida ay sheegayaan dad goob joogaal ah banaanbaxii ka socday Qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu isku badelay jawi rabshadeed.

Wariye kusugan Isgoyska Towfiiq Ee Degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in Taayaro ku gubanayaan isgoyska oo banaanbaxayaal careysan iskugu soo baxeen.

Dibad baxayaasha ayaa waxay hakad geliyeen isku socodkii dadka,Ganacsiga iyo Gaadiidka Isgoyskaasi isticmaalayey.

Waxa ay kasoo horjeedeen Banaanbaxayaashu Xukunkii la sheegay in Hindiya ku riday Dhawaan Dhalinyaro Soomaaliyeed walaw Hindiya aysan weli Xukumin Maxaabiista Soomaaliyeed.

Ciidanka Dawlada Soomaaliya ayaa rasaas ku furay dadkii banaanbaxa dhigayey oo kala ceeriyey iyadoo gaadiidka dab damiska ay damiyeen taayaradii la gubay,xaaladuna ay kusoo laabatay jawi deggan.

HALKAAN KA DHAGEYSO