TOP:- Ciidamada gaarka ah Puntland oo Howlgalo ka wada Gaalkacyo

0

Ciidanka gaarka ah ee madaxtooyada dowlada Puntland ayaa waxaa howlgalo xoogleh ay ka wadaan magaalada Gaalkacyo waxaana howlgaladan ay ku baarayaan baabuurta iyo dadka saaran waxaa ay si gaara u hubinayana sugnaasha sharciga hubka ay qabtaan.

Howlgaladu kuma koobna gudaha magaalada balse waxaa kaloo ay ka samaynayaan wadooyinka soo gala magaalada iyo kuwa ka baxa waxaa ay si guud ahaana u hubinayaan qofka iyo waxa uu wato baabuurta leh bacaha madow ee beensalka iyo kuwaan canshuurnayn ayaya qab qabanayaan.

Howlgaladaan ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xili gaalkacyo uu kusugan yahya madaxweyne xigeenka Puntland C/xakiin Cabdulaahi Xaaji cumar oo isbuucaan gudihiisa maxjar wayn ka dhagax dhigaya xaafada garsoor ee magaalada Gaalkacyo