TOP DHAGEYSO:- Amaanka Magaalada Baydhabo oo si weyn loo adkeeyay iyo Musharixiin ku qulqulaya

0

Magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maalmihii u dambeeyay ay ku soo qul qulayeen Musharaxiin isugu jira kuwa doonaya in ay ka mid noqdaan xildhibaanada cusub ee Dowladda Federaalka iyo Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa waxaa si aad ah loo adkeeyay Amaanka Magaalada Baydhabo iyo Deegaanada ku dhow.

Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed xasan Fiqi ayaa laamaha Amaanka faray in ay sugaan Amniga, si looga hortago in ay dhacaan falal la xiriira amni darada.

Dhanka kale Maxamed xasan Fiqi Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ayaa Musharaxiinta ku sugan Magaalada Baydhabo ugu baaqay in aysan qal qal gelin Amniga Magaalada.

HALKAAN KA DHAGEYSO