TOP DHAGEYSO:- Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku biiri rabtay Daacish oo Gacanta lagu dhigay

0

Masuuliyiinta Mareykanka ee gobolka Minnesota ayaa sheegay in ay xireen dad lala xiriirinayo in ay u safreen ama ay isku dayeen in ay u safraan dalka Syria si ay ugu biiraan Kooxda Daacish ee ka dagaalanka Syria iyo Iraq.

Afhayeenka u hadlay xafiiska qareenada Mareykanka ayaa sheegay in dadkaasi la xiray gelinkii dambe ee shalay laguna qabtay magaalooyinka Minneapolis iyo San Deigo ee dalka Mareykanka.

Laakiin afhayeen Ben Petok, ayaanan faahfaahin ka bixin xubnahaasi iyo dalalka ay kasoo kala jeedaan, laakiin wuxuu sheegay in Soomaali badan oo ka tagtay dalkaasi ay ku biireen kooxda Daacish ee ka dagaalama Syria iyo Iraq.

Hayada FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay in lixda ruux ee la xiray lagu qabtay howlgalka loogu magic daray midowga la dagaalanka Argagixisada, dadkaasina ay wali baaaritaano ku socdaan.

Maanta oo Jimco ah ayaa la filayaa in masuuliyiinta FBI-da iyo xafiiska qareenada ay faah faahin ka bixiyaan magacyada dhalinyarada la xiray iyo wadamada ay kasoo kala jeedaan.

Xuseen C/laahi oo kamid ah Soomaaalida magaalada Minneapolis ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay ku mashquulsan yihiin dhalinyarada la xiray in ay Soomaali ku jiraan iyo inkale.

Ku dhawaad 15 ruux oo Soomaali ah ayaa sanadkii 2007 kasoo tagay gobolka Minnesota kuwaasi oo ku biiraay Alshabaab-ka ka dagaalama Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO