TOP DHAGEYSO:- Dhibaatooyinka Al-Shabaab ku hayaan Shacabka Koonfur Galbeed oo Kulan xasaasi ah laga qaatay

0

Kulan looga hadlayay dhibaatooyinka ururka Shabaab ay ku hayaan shacabka ku nool Deegaanada koonfur Galbeed ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Baydhabo oo xarun ku mel gaar ah u ah Maamulka Koonfur Galbeed.

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi gelinta Bulshada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Maamulka Degmada, Ururka Haweenka, Dhalinyaro iyo xubno kale.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo kulanka ka hadlay ayaa Dhalinyarada ku jirta Shabaab ugu baaqay in ay ku soo biiraan Dowladda Soomaaliya oo ay ka soo laabtaan fikirka ay hada heystaan.

Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka Degmada Baydhabo Aadan Cali Aadan ayaa ka hadlay Arrimo la xiriira Amniga Magaalada, isagoo sidoo kale sheegay in Dhalinyarada looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan Sugidda Amniga.

HALKAAN KA DHAGEYSO