TOP DHAGEYSO:- Dowlada Hindiya oo maanta Maxkamad soo taagi doonta Dhalinyaro Soomaaliyeed

0

Maxkamad ku taalla Magaalada Labaad ee ugu weyn Dalka Hindiya ee Mumbai ayaa maanta lagu wadaa in la soo taago 50 Dhalinyaro oo Soomaali ah, kuwaas oo loo heysto falal la xiriira Burcad Badeednimo.

Warbaahinta Hindiya ayaa horey u sheegtay in Ciidanka Ilaalada Badda Hindiya ay Dhalinyaradan ka qabteen xeebaha Soomaaliya intii u dhaxaysay 2011 illaa 2012-kii, waxaana Garsooraha Maxkamadda uu sheegay in badankood ay qirteen dambiga loo haysto ee ah in ay Burcad Badeed yihiin.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Dhalinyaradaasi ku xiran Dalka Hindiya maanta la xukumi doono, kadib marka uu xukunka ku dhacana dib loogu soo celin doono Dalkooda.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa si aad ah uga carooday warkan iyadoo mudaharaadyo xoogan oo lagu diidan yahay falkan ay ka dhaceen qaar kamid ah Magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, waxaana falkan si kulul cambaareeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Boqolaal Dhalinyaro Soomaaliyeed ah ayaa falal Burcad Badeenimo, Argagixisanimo iyo Tahriib ugu xiran daafaha Caalamka, mana jirto Dowlad awood u leh in ay kula xisaabtanto xaquuqda ay Dhalinyaradaas Soomaaliyeed leeyihiin.

HALKAAN KA DHAGEYSO