TOP DHAGEYSO:- Dowlada Kenya oo war ka soo saartay Haween Soomaaliyeed oo lagu dilay Gobolka Marsabit

0

Kooxo hubeysan oo aan heybtooda lagaraneyn ayaa waxa ay Saddex gabdhood oo sida la sheegay in ay u dhasheen Soomaaliya ku dileen Gobolka Marsabit ee Dalka Kenya.

Gabdhaha la dilay ayaa waxaa lagu sheegay Labo ka mid ah in ay jireen 18 sano, halka mida kalena ay jirtay 16 sano.

Taliyaha Gobolka Marsabit Pen Kogo ayaa warbaahinta u sheegay in aan lagaraneyn cida ka dambeysay Dilka Gabdhahani blasé baadigoob loogu jiro sidii lagu soo qaban lahaa Dadkii falkaasi fuliyay.

Meydadka Gabdhahani ayaa la helay Talaadadii gelinkii dambe waxaana loo maleynayaa in Dilkooda uu salka ku hayo Dhul Daaqsimeed.

Gobolka Marsabit ee Dalka Kenya ayaa waxa uu ka mid yahay Deegaanada inta badan ay ka dhacaan Dagaalada ku saleysan Qabaa’ilada.

Dhowaan ayay aheyd markii Madaxda Dalka Kenya ay ka digeen Dagaalada Qabaa’ilada ku saleysan ee ka dhaca gudaha Dalka Kenya.

HALKAAN KA DHAGEYSO