TOP DHAGEYSO:- Captan Jeff Davis oo sheegay inay Galmudug ku dileen Maleeshiyo Al-Shabaab Ah.

0

Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay ka hadashay weerarkii dhinaca cirka ahaa, ee Habeen ka hor ka dhacay Deegaanka Jeexdin, oo dhaca Duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga ee Dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Duqeyntaasi ay fuliyeen Diyaarado ay leeyihiin Mareykanka.

Captan Jeff Davis oo ah Afhayeenka Waaxda Pentagon-ka ee Dalka Mareykanka, ayaa wuxuu sheegay sababta ay weerarkaasi u fuliyeen in ay tahay kadib markii Shabaab ay weerar dhabo gal ah ku soo qaadeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, taasina ay keentay in Mareykanku uu jawaab ka bixiyo.

Wuxuu sidoo kale sheegay Jeff Davis in Duqeyntaasi ay ku Dileen 9 Dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab, kuwaas oo xilligii ay Duqeyntu dhaceysay ku sugnaa goob fariisin ah.

Afhayeenka Waaxda Pentagon-ka ee Dalka Mareykanka, ayaa Captan Jeff Davis ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan hadii ay jiraan Duqeyntaasi in ay ku geeryoodeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, maadaama ay soo baxayeen warar sheegaya in Duqeyntaasi ay ku dhinteen Ciidamo ka tirsan Dowladda, gaar ahaan kuwa Maamulka Galmudug.

HALKAAN KA DHAGEYSO