TOP DHAGEYSO:- Faahfaahino dheeraad ah oo laga helayo Weeraro qorsheysan oo ka dhacay Jubbada Hoose

0

Sida ay ku soo waramayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay ay Duqeyn khasaare geysatay ay ka dhacday Deegaanka Galoolshinbe oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Duqeyntan ayaa la sheegay in ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Kumaandoska Soomaaliya iyo Diyaarado ay wateen Ciidamo Mareykan ah, waxaana lagu beegsaday Fariisin Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay ku lahaayeen Deegaanka Galoolshinbe oo Magaalada Kismaayo u jira 60-KM.

Sida ay Warbaahinta u sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, Duqeyntan ayaa lagu dilay 4 Dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab oo uu ku jiro Gudoomiyii Deegaankaasi, kaas oo lagu magacaabi jiray Macalin Sahal.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Ciidanka Kumaandooska ay nolosha ku soo qabteen Maxaabiis Shabaab ah, Duqeynta kadib, waxaana dadka Deegaanka soo wajahday cabsi ku aadan Duqeyntii xalay dhacday.

Ciidanka Dowladda oo garab ka helaya Ciidanka Ajaanibta ah ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxa ay dhowaanahan Duqeymo ka fulinayeen Gobolada Jubbooyinka, kuwaas oo ay ku bartilmaameedsanyeen Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

HALKAAN KA DHAGEYSO