TOP DHAGEYSO:- Guddiga Doorashooyinka Galmudug oo Odayaasha Dhaqanka deg deg isugu yeeray Magaalada Cadaado

0

Guddiga Doorashooyinka Maamulka Galmudug oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado ee xarunta KMG Maamulka Galmudug ayaa fariin u diray Odayaasha Dhaqanka iyo Ergooyinka soo xulaya Xildhibaanada ka imaanaya Deegaanada Galmudug.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Maamulka Galmudug Yuusuf Maxamed Maxamuud ayaa sheegay Odayaasha Dhaqanka in looga baahan yahay in si deg deg ah ay ku yimaadaan Magaalada Cadaado, si loo guda galo Howlaha Doorashada Galmudug.

Yuusuf Maxamed Maxamuud Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale wuxuu Odayaasha Dhaqanka ugu baaqay in Saddex maalmood gudahooda ay ku yimaadaan Magaalada Cadaado, maadaama waqtiga haray uu yahay mid yar.

Gobolada Dalka ayaa waxaa hada ku sii qul qulaya Odayaasha Dhaqanka iyo Ergooyinka soo xuli lahaa xildhibaanada cusub ee ka imaanaya Gobolada Dalka, waxaana lagu wadaa in Dalka Bisha November ay ka dhacaan Doorashooyin.

HALKAAN KA DHAGEYSO