TOP DHAGEYSO:- Kenya oo ka hadashay Askar Al-Shabaab afduubteen qaarna dileen

0

 

Dowlada Kenya ayaa sheegay in weerarkii dhawaan lagu qaaday deegaanka Hamey oo ka tirsan degmada Gaarisa ee gobalka waqooyi bari ay ku lug lahaayeen ganacsato Somalia ah oo badeecooyin u kala u gudbiya Kenya iyo Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa tilmaamay in ganacsatada sokorta ka soo gudbisa Soomaaliya ay qayb ka ahaayeen weerarkii lagu qaaday saldhig booliis oo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin degaanka Hamey halkaasi oo khasaaro isagu jiro dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay ciidamada Kenya.

Gudoomiyaha Mandera, James Kianda ayaa xusay in weerarka Al Shabaab ay ku soo qaadeen degaanka Hamey uu ahaa mid qorsheyn isla markaana ay soo weerareen dagaalyahano badan.

Wuxuuna intaasi ku daray in weerarka ay qayb ka ahaayeen shaqsiyaad ganacsato Somalia ah oo fududeeyay weerarkaasi oo ciidamada Kenya looga qabsaday gaadiid, askar, hub iyo rasaas.

Mr James Kianda ayaa sheegay in aysan u dul qaadan doonin weerarada gaadmada ah ee dagaal yahano ka tirsan alshabaab ay ku qaadaan gudaha dalka Kenya.

Shalay aye aheyd markii baraha bulshada sida Twitter-ka lagu soo bandhigay Gaadiid, Huba iyo Meydad Kenyaan ah oo la geeyay Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.

HALKAAN KA DHAGEYSO