TOP DHAGEYSO:- Laamaha amaanka Puntland oo Digniino soo saaray

0

Taliyaha qaybta booliska gobolka bari C/xakiin xuseen yusuf ayaa sheegey dadka canshuurta la duunta inay yihiin qaran dumis qaran dumisna ay qodobkiisa ku qaadayana isagoo sheegey in laamaha amaanka ay mar waliba heegan u yihiin ilaalita canshuurta Dalka.

Lacagta canshuurtaa ee laga qaado ayaa uu sheegey inay tahay mid dalka faaiido u ah  igana aan waxba ka dhimayn balse hadii ay la dhuuntaan ay kala kulmaan dhibato laamaha amaanka gaar ahaan qaybta ilaalada canshuurta iyo laamaha kale.

hadalka taliyaha qaybta booliska ee gobolka bari C/xakiin xuseen yuusuf  ayaa kusoo aadaya xili shalay ay ilaalada ciidanka fursada boosaaso ay qabteen baco kontorobaana iyo alaabo kale oo canshuurta lagala dhuumanayay waxaana la wareegey laamaha amaanka.

HALKAAN KA DHAGEYSO