TOP DHAGEYSO:- Ma isku mid baa Aragtida Xasan Sheekh iyo Wasiir Odawaa ka qabaan Dhisida Maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Sh/dhexe

0

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Odawaa ayaa waxa uu ka hadlay sida ay usocoto dhismaha Maamulka loo dhisayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Wasiirka waxa uu sheegay in hadda meel wanaagsan ay marayaan islamarkaana la qeybiyey Xildhibaanadii Maamulkaasi uu yeelan lahaa ayna waxa dhiman dhawaan dhameystirmi doonaan.

C/raxmaan Xuseen Odawaa ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan sidii Cabashada weli jirta loo qancin lahaa beelaha Muujinaya balse ay Xaaladu noqon doonto mid ku dhisan Badnaashiyaha dadka wax dhisanaya.

Wasiir Odawaa ayaa soo bandhigay Hadal uu kol hore usheegay Xasan Sheekh Madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa in dhoobeyda aysan ku taraarixin oo si maldahan aheyd.

Hadalkaasi ayaa hadda la dareemayaa maadaama Labada Gobol Ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe ay ka biyo diidsan yihiin qaarkood Odayaashooda inay Maamul wada dhistaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO