TOP DHAGEYSO:- Maamulka Galmudug oo soo saaray Amaro cusub oo Amniga iyo Doorashada ka xiriira

0

Maamulka Galmudug ayaa soo saaray amaro cusub oo lagu xaqiijinaayo amniga caasimada kumeel gaark ah ee Galmudug ee Cadaado.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in siweyn loo adkeyn doono amniga magaalada Cadaado ee oo lagu wado in ay ka dhacaan doorashooyinka xubnaha aqalka Sare ee ka imaanaya deegaanada maamulka Galmudug.

Wasiir ku xigeenkka Wasaarada amniga maamulka Galmudug Cali Cabdulaahi Warsame oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aan magaalada Cadaado lagu arki karin koox hubeysan iyo sidoo kale dad qoryo wata oo aan aheyn ciidanka Galmudug.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in amniga magaalada Cadaado si weyn loo adkeeyay.

HALKAAN KA DHAGEYSO