TOP DHAGEYSO:- Maamulka Shariif Xasan oo guulo ka sheegtay Howlgaladii ugu dambeeyay ay ka sameeyeen Bay iyo Bakool

0

Wasiirka Wasaarada hub ka dhigista iyo Maleeshiyaad maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay wadaan howgallo ay Al-Shabaab kaga saaraayaan gobolada Bay iyo Bakool.

Wasiirka ayaa waxa uu ka hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ciidamada gaarka ah ee Booliska maamulka Koonfur Galbeed ay ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin hoostaga gobolada Baay iyo Bakool.

Wasiirka ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan howgal xoogan oo Al-Shabaab looga saaraayo deegaanada ay ka joogaan gobolada Baay iyo sidoo kale Bakool.

Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan ciidamo gaar ah oo loo tababaray in ay dagaal ku qaadaan Al-Shabaab.

Dhowaanahan ciidamada dowladda Soomaaliya, ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay howlgalo ka dhan ah ururka Al-shabaab ay ka wadeen deegaano ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool.

HALKAAN KA DHAGEYSO