TOP DHAGEYSO:- Musharax Cali Xaaji Warsame” Xasan Sheekh wuxuu faro gelin xoogan ku hayaa in maamulada si xoriyad ah usoo xushaan xubnaha aqalka sare''

0

Musharax Cali Xaaji Warsame oo kamid ah murashixiinta ayaa ku eedeeyay madaxweynaha xlkiisu dhamaaday Xasan Sheikh Maxamud inuu faro gelin aan loo dulqaadan Karin ku hayo soo xulida aqalka sare ee dowlad goboleedyada.

Cali Xaaji ayaa sheegay inuu haatan Xasan Sheikh ku guulaystay in xildhibaanada aqalka sare Jowhar iyo Hiraan lagasoo xulo Xamar, si lamid ah maamulada kalena wuzuu ku cadaadinayaa in Xamar lagasoo magacaabo aqalka sare, isagoo u adeegsanaya inuu khilaaf ka dhex abuuro beelaha iyo maamulada.

Wuxuu sheegay arrintaan inay muuijinayso sida Xasan Sheikh ugu tuntay sharcigii dalka iyo heshisyadii madashu galeen, wuxuu ka digay cawaaqibka ka dhalandoona xukunka awood sheegadka ah ee Xasan Sheikh dalka ku hayo.

HALKAAN KA DHAGEYSO