TOP DHAGEYSO:- Odayaasha Galmudug oo si Kulul kaga hadlay Xubnaha aqalka sare ee Puntland la siiyay

0

Duubabka dhaqanka Maamulka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa kasoo horjeestay qaabka loo qeybiyay xubnaha aqalka sare ee dowlada soomaaliya.

Odayaasha dhaqanka oo ka kooban Ugaas C/laahi Ugaas faarax, Suldaan Maxamed sh maxamed, Garaad Aadan Cilmi iyo Imaam Cumar macalin Abshir ayaa tilmaamay in xubnaha aqalka sare aan lagu saleyn nidaamka 4.5 ee Soomaalidu ku heshiisay in wax lagu qeybsado ilaa doorasho xora laga garaayo isla markaana uu jiro sad bursi maamulada qaar taasina ay keeni karto in bulshada Soomaaliyeed ay ku kala fogadaan.

Imaam cumar macalin abshir oo ka midahaa odayaasha dhaqanka ee Cadaado ku kulmay ayaa si isku mida u sheegay inay cadaalada ka fogtahay qaabka la donaayo in lagu soo dhiso xobnaha aqalka sare ee dalka.

madaxda sare ee maamulka galmudug ayaa sidan oo kale horay u sheegay inay kasoo hor jeedaan 2 xobnood oo puntland loogu kordhiyay aqalka sare.

HALKAAN KA DHAGEYSO