TOP DHAGEYSO:- Puntland oo ku dhawaaqday Go'aan wanaagsan si loo badbaadiyo Shacabka

0

Wasiirka cadaalada iyo arrimaha diinta dowladda Puntland Saalax Xabii Jaamac ayaa ku dhawaaqay in maalinta isniinta ee todobaadka soo socda la qabanayo iskusoo bax ballaaran oo Rondoon ah.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay Puntland inay ku sugan tahay xaalad abaareed oo maraysa heerkii ugu sareysa, sidaas darteedna loo baahan yahay in ilaaheey laga baryo raxmadiisa roobka.

Salaad Xabiib Jaamac ayaa ugu baaqay culimada diinta inay jimcaha maanta masaajida uga duceeyaan shacabka Soomaaliyee dinuu ilaaheey ka dulqaado abaarta darran ee dalka ku habsatay, isagoo sidoo kale sheegay in maalinta isniinta ah la hakiyo shaqooyinka islamarkaana la xirayo meel kasta oo furan si looga wada qeyb qaato iskusoo baxa roobdoonta ah.

“Aan ilaaheey dambi dhaaf weydiisano oo aan towbad keeno si nala kaga dulqaado mushkilada abaarta xoogan ee saameysay dadkeedan iyo dalkeena,” ayuu yiri wasiirka cadalaada.

HALKAAN KA DHAGEYSO