TOP DHAGEYSO:- Qarmada Midoobe oo u digtay Siyaasiyiinta Muqdisho ku soo bandhigaya Olole ay kaga soo horjeedaan Dowlada Xasan Sheekh

0

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu jira walaac laga qabo in hanaanka Doorashada Soomaaliya ay siyaasiyiinta ku hayaan fara gelin.

Micheal Keating oo warbixin siinayay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu sheegay in la qabo cabsi ah in Doorashada mar kale haddana dib loo dhigo.

Qaramada Midoobay ayaa niyad jab ka muujisay dib u dhaca Doorashooyinkaasi Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, waxase ay sheegtay in ay rajaynayso in Doorashadu u dhici doonto si habsan oo hufan.

“Dib u dhacan cusub ee haatan yimi wuxuu dhalinaya cabsi laga qabo arimo dhawr ah. Bal aan laba keliya uun magacaabo: waa in hannaankii la siyaasadeeyay iyo in ay suurto gal tahay in dib u dhacani hadana keeni karo dib u dhacyo kale” Ayuu yiri Keating oo la hadlayey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Isniintii ayaa saraakiisha Guddida Doorashooyinku ka sheegeen Magaalada Muqdisho, in ay doonayaan in ay dib ugu riixaan Doorashooyinka Bisha November, halkii laga filayay inay qabsoomaan October sababo nabad galyo iyo caqabado maamul oo jira awgood.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in khatarta ay Al-shabaab dalka ku hayaan darteed aanay u suurto galayn in dalka laga qabto Doorasho qof waliba codkiisa dhiibto, Waxaana arrintaa lagu bedelayaa in ilaa 14,000 oo qof oo ka wakiil ah beelaha Soomaalidu ay soo xuli doonaan xubnaha Baarlamaanka cusub.

HALKAAN KA DHAGEYSO