TOP DHAGEYSO:- Ugaas Xasan oo si caro leh u faahfaahiyay Sababta uu kaga hor yimid Go'aankii Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya

0

Qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa kasoo horjeestay hadal kasoo baxay Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya , kasoo ahaa in xildhibaanada baarlamaanka ee gobolka Hiiraan ee lagu soo xuli doono magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Kulan ay Maanta Magaalada Beledweyne ku yeesheen Waxgaradka gobolka Hiiraan  ayaa waxa ay si cad ugu sheegeen inaysan marnaba aqbaleyn in Muqdisho lagu soo doorto Xildhibaanada Gobolka Hiiraan ka imaanaya.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin hadalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka dadban ee dalka.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee dowladda Soomaaliya Cumar Cabdulle Dhagey ayaa sheegay in magaalada Muqdisho lagu soo dooran doono xildhibaanada Baarlamaanka ee gobolada Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe ka imaanaya.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in odayaasha dhaqanka iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada ay si weyn u soo dhaweeyeen in xildhibaanada Ka imaanaya Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe lagu doorto magaalada Muqdisho.

Bilihii la soo dhaafay ayaa khilaaf xoogan waxa uu ka taagnaa halka lagu soo xulaya xildhibaanada ka imaanaya  gobolada Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe , madaam aan wali loo sameyn maamul goboleed ay wadaagaan labada gobol.

HALKAAN KA DHAGEYSO