TOP DHAGEYSO:- Waxgaradka Hiraan oo war Cusub ka soo saaray Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

0

Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa ka horyimid wararka sheegaya in maalinta Sabtiga ah uu shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu dib u furmaayo.

Nabadoon Xirsi Dacar oo ka mid ah waxgaradka gobolka Hiiraan oo lahadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in aysan waxgaradka gobolka Hiiraan aysan ka qeyb gali doonin shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ay dowladda Shaacisay in uu 3 bishaan uu ka furmayo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxa uu sheegay in ay haboon tahay inaan la isku dirin dadka kunool gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya iyo Urur goboleedka IGAD ayaa shalay shaaciyay in shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu Sabtiga dib u furmaayo.

Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa horay u diiday in la midoobaan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxaana waxgaradka qaarkood ay ku doodayaan in ay haboon tahay in Hiiraan loo dhiso hal maamul goboleed.

HALKAAN KA DHAGEYSO