TOP DHAGEYSO:- Xagee Marayaan wadahadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Khaatuma ?

0

Madaxweynaha maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay halka ay maraayaan wadahaladii u dhaxeeya maamulada Khaatuma iyo sidoo kale Somaliland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay socdaan wadahaladii u dhaxeeya Khaatumo iyo sidoo kale Somaliland , islamarkaana dhawaan lagu wado in laga gaaray heshiis ay Khaatuma ku raacayso maamulka Somaliland.

Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in maamulka Khaatuma ay diyaar u yihiin in ay raacaan oo ay la midoobaan maamulka Somaliland.

Waxa uu xusay in hadii khaatuma ay raacdo maamulka Somaliland in aysan macnaheedo aheyn in uu rabo inuu noqdo Madaxweynaha maamulka Somaliland.

Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in muhiimado ay tahay in shacabka reer Khaatuma ay helaan cid ay la midoobaan oo ay danahooda uga faaidaystaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO