TOP DHAGEYSO:- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka“waan booqday Maxaabiista Hindiya ku xiran,xukun kadibna Somaliya ayaa la keenayaa”

0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka warbixiyay safarro uu ku tagay dalka Yurub iyo Hindiya.

Xeer ilaaliyaha ayaa ka qeyb ahaa korjoogtadii Somaliya uga qeyb gashay kiiskii dacwadda Badda ee Somaliya iyo Kenya,waxaana uu ka dib socdaal ku tagay dalal ay ka mid tahay Hindiya halkaas oo ay ku xiranyihiin maxaabiis Soomaaliyeed oo Burc ad badeednimo loo heysto.

Waxaa uu sheegay in uu isaga u tagay maxaabiista soona arkay,islamarkaana aysan jirin xitaa jir dil ka muuqda marka laga reebo nolosha ay ku suganyihiin oo ah mid aad u adag.

Waxaa beeniyay in xukun uu ku dhacay Dhallinyaradaasi,waxaana uu sheegay in berry la xukumayo waliba kid aan ahayn dil,waxaana uu intaas ku daray in marka la xukumo kadib dalka dib loogu soo celin doono.

Hindiya iyo Soomaaliya uu sheegay in hadda uu u socdo heshiis la xiriir habka loo soo wareejinayo maxaabiiska,kaas oo uu ku sheegay in uu meel wanaagsan marayo.

Dalalka kale ee ay ku xiranyihiin Maxaabiista Soomaalida ah ee loo heysto burcad badeenimada ayuu sheegay in ay wadahadallo u socdaan,waxaana ka mid ah Imaaraat-ka Iiraan,Cumaan.Morishiyoos iyo kuwo kale.

HALKAAN KA DHAGEYSO