TOP DHAGEYSO:- Xildhibaanada Hiiraan Iyo Sh/Dhexe oo la shaaciyay Meesha lagu soo xulaayo, Jowhar iyo Beledweyne maaha?

0

Guddiga doorashooyinka Dadban ee dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay Halka lagu soo xulaayo xildhibaanada ka imaanaya gobolka ee Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee dowladda Soomaaliya Cumar Cabdulle Dhagey ayaa sheegay in magaalada Muqdisho lagu soo dooran doono xildhibaanada Baarlamaanka ee gobolada Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe ka imaanaya.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in odayaasha dhaqanka iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada ay si weyn u soo dhaweeyeen in xildhibaanada Ka imaanaya Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe lagu doorto magaalada Muqdisho.

Bilihii la soo dhaafay ayaa khilaaf xoogan waxa uu ka taagnaa halka lagu soo xulaya xildhibaanada ka imaanaya  gobolada Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe , madaam aan wali loo sameyn maamul goboleed ay wadaagaan labada gobol.

HALKAAN KA DHAGEYSO