TOP DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo Guddi Wasiiro ah u saartay Xasuuqii Galmudug sheegeen inuu ka dhacay Gaalkacyo

0

Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shalay kulankooda Khamiislaha ahaa Magaalada Muqdisho ku yeeshay ayaa Guddi Wasiiro ah u saaray, si baaritaano dhab ah ay ugu soo sameeyaan Duqeyntii Diyaaradaha Mareykanka ay ka geysteen Bariga Gobolka Mudug.

Afhayeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya C/casiis Xaaji Cabdi (Goobdoon) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Guddigan Wasiirada ah ay tagi doonaan Magaalada Gaalkacyo, sidoo kalena baaritaano dhab ah ay ku soo sameyn doonaan.

C/casiis Xaaji Cabdi Goobdoon Afhayeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Dowladda Mareykanka laga sugayo warbixin cad oo ku aadan Duqeyntii ka dhacday Bariga Gobolka Mudug ee lagu dilay Ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug.

HALKAAN KA DHAGEYSO