TOP DHAGEYSO:- Xukuumadda Somalia oo dib u eegeysa shaqada Shirkadaha maamula Garoonka iyo Dekada

0

Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dib u eegis lagu sameyn doono labada shirkadooda ee laga leeyahay dalka Turkiga ee maamula garoonka diyaaradaha iyo dekadda Magaalada Muqdisho.

Sababaha loo sameynayo dib u eegista ayaa lagu sheegay shaki ka dhashay dhaqaalaha ka soo xarooda garoonka iyo dekadda oo hoos u dhacay taasoo keentay in dowlada ay soo fara geliso

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti ayaa sheegay in heshiisyadii lala galay Shirkadaha Favori iyo Al-Beyrak dib u eegis lagu sameyn doono, isla markaana ay miiska saaran yihiin

“Heshiiska aan la galnay oo qoraal ah ayaa  miiska saaran, labada shirkadoodna dib u eegis ayaan lagu sameynayaa”, sidaasi ayuu yiri Wasiir Fargeeti.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin dhaqaalaha ka soo xarooda Garoonka Diyaaradaha inta badan in ay qaadato Shirkada Favori.

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax ayaa ku eedeeyay Shirkadaha Favor iyo Al-Beyrak inay diidaan in isla xisaabtan lagu sameeyo, isagoo caddeeyay in madaxda dowladda uu ku wargeliyay arrintaasi.

Shirkada Favori oo si sharci darro ah uga howlgasha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa dhawaan u dabaal dagtay Sanad guuridii 3-aad oo ay ka howlgaleyso Garoonka Diyaaradaha.

HALKAAN KA DHAGEYSO