TOP NEWS:- Biyo yari ka jirta Deegaanka Waaciye iyo dadkii oo Cabanaya

0

Shacabka ku nool Deegaanka Waaciye oo ka tirsan Deegaanada Puntland ayaa waxa ay qeylo dhaan ka muujiyeen dhibaatooyinka xilligan ka taagan Deegaankaasi.

Dad qaar ayaa waxa ay sheegayaan in biyaha ay u doontaan meel qiyaastii Deegaanka u jirta 20-KM, iyadoo ceelalka ku yaallay Deegaanka ay gureen.

Biyo yaridan soo wajahday Deegaanka Waaciye ayaa waxa ay saameysay dadka iyo duunyada ku nool Deegaankaasi, gaar ahaan Dadka Barakacayaasha ah.

Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa waxa ay sheegeen in Deegaanka Waaciye uu leeyahay Hal Ceelbiyood, sidoo kalena uusan ku filneyn dadka Deegaanka ku nool.

Maanta ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke uu booqasho ku tagay Deegaankaasi, sidoo kalena uu amar ku bixiyay in dadka ku dhaqan Deegaanka Waaciye loo sameeyo biyo dhaamin, isagoo si gaar ah u dalbaday in 20-Gaari oo ah kuwa biyo dhaaminta ay bilaabaan howlo biyo dhaamin ah